Bartan bulshada ayaa sameysay calaamado iyo
waxyaabo lagu garan karo qofka
isticmaala Facebook ee soo dhiga fikir ama
qoraal.
Caaqilka macmalka ah, markuu eego arrinta
wuxuu farriin u dirayaa qofkaas asxaabtiisa
wuxuuna u sheegayaa inuu is dili rabo ama naftiisa ay halis ku jirto.
Ka dib markii ay xaqiijiyeen kooxda Facebook u
qaabilsan eegista aadanaha, shirkadda waxay horey ula xiriirtay dad halis ku jiray
oo naftooda waxyeeleyn rabay, waxaana la siiyay talooyiin ay isku badbaadin
karaan.
Qadka caawinta dadka doonaya is miidaaminta,
ninka madaxda ka ah wuxuu sheegay in tallaabada "aysan ahayn oo keli mid
caawineysa, balse ay sidoo kale tahay mid muhiim ah".
Barnaamijkan cusub waxaa lagu tijaabiyay
Mareykanka oo keli ah hadda.
Waa markii ugu horeysay ee la adeegsado
Caaqilka Macmalka ah si loo eego farriimaha lagu qoro Facebook.
Tallaabadan waxaa bishii la soo dhaafay ku
dhawaaqay aasaasaha Facebook Mark Zuckerberg.
Waxa uu sidoo kale doonayaa in barnaamijkan la
adeegsado si loo garto qofka argagixisada ah iyo dadka sameeyo arrimaha kale ee
dhibaatada keeni kara.
Waxaa jiro qeybo garanaya haddii qof uu
sameynayo waxyaabo halis ah.
ka hadlidda murugada iyo xanuunka ayaa ka mid
ah waxyaabaha bixinaya farriimaha halista.
Sidoo kale jawaabaha ay asxaabta bixinayaan
sida "ma fiican tahay" ama "waan kaa walaacsanahay" ayaa
sidoo kale bixinaya farriin ah in qofka uu halis ku jiro.
Haddii Farriin ku jirta Facebook loo garto inay
tilmaameyso is dilida, waxaa la wargelinayaa dadka ka shaqeeya Facebook.
"Waa ognahay degdegga waa muhiim marka
xaaladda ay aad u xuntahay", ayey tiri Vanessa Callison oo ka mid ah
madaxda Facebook oo BBC-da la hadashay.
Sababta ay Facebook u sameysay arrinta ayaa ah
markii gabar 14-jir ah oo ku noolayd Miami ay toos u soo gashay bishii January
ayadoo is dileysa.
Facebook ayaa hadda sheegeyso inay bilowday
inay ka hor tagto musiibada
.