.
Kama dhigi kartid kumana qasbi kartid qof inuu ku
jeclaado.
Waxa aad sameyn karto waa in aad noqoto qof la jeclaado. Wixi soo
hara iyagay u taal
2. Calaamada Qaangaarnimada dhabta ah waa markii qof ku
dhibaateeyo ka dibna aad isku daydo in aad xaaladooda fahanto iyo waxa ay sidan
u sameynayaan inti aad isku dayi lahayd in aad ka aargoosato
3. Si taxadar leh u dhageyso sida qof u hadlo kolkuu qof wax
kaaga sheegayo qof kale. Tani waa sida ay kaaga waramayaan markey dad kale
kaala hadlayaan
4. Maalintu in ay kuu noqoto mid kheyr oo danahaaga kuu wada
qabsoomaan waxay ku xiran tahay subixi markaad hurdada ka toosto wixi aad ku
bilowdo; halki aad ku bilaabi lahayd fb fiirin, email ka jawaabid, war
dhageysasho, ku bilow Allihi ku siiyay fursada labaad nolosha in aad u sujuudo,
xusto, ku shugrido, aadna duceysatid
5. Mar kasta aadan fahmin dhibta nolosha ku heysata, indhaha
isku qabo, neefso, gacmaha kor u taag, ka dibna dheh: “Ilaahow waan ogahay in
wax kasta qorshahaaga ku socdaan, wax kastana sabab ku dhacaan, Ilaahow iga
caawi sidi aan uga gudbi lahaa marxaladan”
6. Ha murugoon hadii dad aad abaal badan u gashay kugu
jisaaraan ama cadow kugu noqdaan. Xusuuso, Alle oo dadkan abuuray, nimco badan
siiyay, ayay in badan ku caasiyeen, aysan adeecin awaamiirtiisa. Maxaad
filaysaa adigoo ah maskiin daciif ah?
7. Waa caafimaadka waxa ah hantida dhabta ah ee ma aha
xoogaa dahab ah ama lacag ah. Lacagtu waxay kuu iibin karaan sariir qaali ah
laakiin kuuma iibin karto hurdo iyo si nabad ah inaad ugu seexato. ku dedaal
daryeelka naftaada
8. Haddii adigoo ah Nin Xaas leh, aad is aragto inay aad kuu
soo jiitaan Gabdhaha School-ka dhigta, Xaaskaaga u iibi dharka Schoolka
