Xikmado ka mid ah xikmadaha laga Soo Guuriyay Shiikhi Weynaa Shiikh Mohamed Metawali Shacraawi, waxaa ka mid ahaa:-
1- Haddii Aadan Awoodin Hadal Xaqa ah, Ha u Sacaba Tumin
Baadilka (Xumaanta Iyo Gardarada).
2- Haddii Aadan Helin Ruux Laabta Xumaan iyo Xiqdi Kugu Haya, Ogoow inaad Tahay Ruux Fashilmay.
3- Ruuxna Xukmin Maayo Boqortooyada Alle, ilaa Eebe Doonistiisa Mooyee.
4- Ha u Caabudin Eebe inuu wax ku siiyo, ee u Caabud inuu kaa Raali noqdo, Haddii uu kaa Raali Noqdana Waxaad Si Durdur ah U Heleysaa Siismadiisa.
5- Haddii Aad Ku Aragtid Ruux Faqiir ah Wadamada Muslimiinta Dhexdooda, Ogoow in Mid Hantiile Ah Uu Xaday Ninkaa Maalkiisa.
6- Ma Wal-walo Ruuxa leh Aabe, Sidee buu u Wal-wali Ruuxa leh Rabbi.
7- Haka Wal-walin Waxyaabaha ay Basharka kuu Maleegayaan, Haddii ay Fogaadaan waxay Fulinayaan Amarka Eebe