Thursday, December 6, 2018

IMTIXAANKA TEERAMKA KOOWAAD 2018/2019

Waxaa goor dhow bilaaban doona haddii uu Alle idmo imtixaanka teeramka koowaad ee dugsiga
Awballe, Imtixaankan ayaa bilaaban doona taariikhdu markay tahay 15 December 2018.

Maamulka dugsiga Awbaalle ayaa ardayda u sheegay in ujeeddada imtixaanku yahay qiimeynta ardayda, in ardayga ku dadaala duruusaha loo dhigay uu ka gudbayo heerka uu joogo, balse midka gaabiya ee aanan dadaalin uu ku hari doona heerka uu taagan yahay, ayna u noqon doonto cashar wax ku qaadasho mudan.

Maamulka dugsigaAwbaalle ayaa ardayda ku dhiirro geliyey in ay la yimaadaan wax akhrin joogto ah, ayna iskaashadaan saaxiibada isku fasalka ah, haddii ay dhacdana in maaddo ku adkaato ay la yimaadaan macallinka u dhiga waqtiyo kale si looga haqabtiro.
Maamulka dugsiga Awbaalle ayaa ardayda u sheegay in ay geli doonaan imtixaan si wanaagsan loo diyaariyey, wuxuuna u rajeeyey in ay natiijo wanaagsan ka keeni doonaan imtixaankan.

Ardayda dugsiga Awbaalle ayaa u muuqda kuwo ku jira u diyaar garowga imtixaanka teeramka koowaad ee dugsiga Awbaalle. 

No comments:

Post a Comment